GGGGGG
Tuesday, September 25th, 2018
header

Madaxweyne Axmed Madoobe oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxda ugu sareysa dalka,kuna tilmaamay…

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 18, 2018 by   ·   No Comments

Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowladahii dalka soo maray burburka kadib mid walba ay meel soo gaarsiisay dalka balse ay jirto hal meel oo u baahan in wax laga badalo oo ah in wakhtiga la isaga dhumiyo sidii mar kale kursiga loogu soo noqon lahaa

Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynahu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka dowlad Goboleedyada kaga khasaartay Dowlada maantana ay wadadii hayso.

Howlo kale oo dalka muhiim u ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay jiraan oo ay tahay in iyaga ahmiyad lasiiyo halkii khilaaf iyo xasarad siyaasadeed loo adeegsan lahaa dhaqaalaha Qaranka iyo wakhtiga.

Waxaa uu Madaxweynahu sidoo kale Dowlada Federaalka uga digay in khilaafka Khaliijka oo Soomaaliya looso minguuriya ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah oo aan ahayn midka maanta ee dhinac lagula saftay ama halka danta umadu ku jirto dibna loo raaco xiriirka qotada dheer ee Sucuudiga iyo Imaaradka Qarniyo badan nalaga dhexeeyay oo aan ahayn wax si sahal ah lagu inkiri karo.

Gabagabadii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay dadweynaha ree Jubbaland in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan looga faa’iidaysan xasaradaha iyo qalalaasaha maanta jira isagoo intaas ku daray in qofkii wax tabanaya ay soo dhawaynayaan isla markana wixii Siyaasad ku tartamaya oo Mucaarad ah ay gacmo furan kusoo dhawaynayaan loona ogolyahay in ay Dowlad Goboleedka dhaliilaan oo ay figrad ahaan ku toosiyaan mucaaradnimo wax dhisaysa.

Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in wadadii wada hadalka iyo dib u heshiisintu ay wali furan tahay balse aan la aqbali karin shirar iyo fadqalalo meelo kale laga soo ababulo oo aan umada wax dan ah aanay ugu jirin.

 

 

 

 

 

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar 

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulamo La Qaadanaya Madax Ka Socota Caalamka

September, 24, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Oo Maanta Si Kulul Uga Dooday Dilkii Axmed Dwalo

September, 24, 2018
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dood kulul waxa ...

Guddigii Aqalka Sare Usoo Diray Gal-mudug Oo Maanta wareejiyey Xogtii Ay Aruuriyeen

September, 24, 2018
Guddoonka Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ...

Shir Looga Hadlayey la Dagaallanka Arrimaha Xagjirnimada Oo Muqdisho Lagu Qabtay

September, 24, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ...

Dhageyso:- Xildhibaano Doonaya In La’ sii Daayo dadkii Ka Dambeeyey Dilkii Axmed dawlo

September, 24, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ...

Akhriso:- Madaxweyne Gaas Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Nugaal

September, 24, 2018
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xog-hayihii Joogtada Ahaa Ee Wasaaradda Batroolka XFS Maxay Tahay Sababtu?

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaaradda Batroolka xukuumadda Fidraalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid ...

AKHRISO: Wasiir Maareeye Oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Ganacsiga

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ...

Dhageyso:- KGS Oo Sara U Qaaday Adkeynta Amniga Deeganadeeda Inta Ay Ka Dhaceyso Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi

September, 24, 2018
Xilli Bisha November Ee Soo Aadan Lagu Wado ...

Maqaallo

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Dhageyso:- Dhacdo Ugub Ah Oo Ka Dhacday Gaalkacyo

September, 24, 2018
Waa Arrin Aan Fududeyn xal U Helideeda In ...

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

September, 24, 2018
Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ...

KENYA OO CIIDAN KA HORTAGA AL-SHABAB GEYNEYSA IJAARA

September, 24, 2018
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidan ka hortaga ...

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Qoryoolay

September, 24, 2018
  Dagaal u dhexeeya  Ciidamada xoogga oo garab ka helaya ...

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA oo xabsiga la dhigay

September, 23, 2018
  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga la ...

WARAR SHEEGAYA CIIDAMADA SOMALILAND INEEY WEERAREEN DEEGAAN KA TIRSAN G SANAAG

September, 23, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya+Sawirro

September, 23, 2018
Muqdisho - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan ...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

September, 23, 2018
Muqdisho –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga ...

MALADHIHI KARAA WAXUU YAXYE EERSADAY QORAALKAAN(Airportka Dahabka ah ee Barawe.)

September, 22, 2018
Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com