GGGGGG
Friday, August 17th, 2018
header

Madaxweynaha Turkiga & Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda oo Hadalo Kul kul is Dhaafsaday (Akhriso)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 17, 2018 by   ·   No Comments

Khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilkii ciidamada Yuhuudda u geysteen bannaanabxayaashii reer Falastiin ee Marinka Gaza.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ay isu mariyeem baraha bulshada, waxaana Turkiga uu dalkiisa ka saaray safiirkii Isreal ee Ankara.

Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gacanta dhiig kula jira oo gumeysi ku haya dadka reer Falastiin oo ah shacab aan iska difaaci karin, iyadoo dowladda Yuhuudda ku tilmamay mid ku dhisan Cunsuriyad oo aysan dembiyadeeda dagaal ku dabooli karin weerar ay ku qaado Turkiga, iyadoo muddo ka badan 60 sanadood jebineysay Qaraaradda Qaramada Midoobay.

Intaas kaddib Ra’isal wasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan, wuxuuna ku eedeeyay in Erdogan oo laayey boqolaal Turki ah aanu Israel siin karin cashar akhlaaqda ku saabsan iyo hab dhaqanka ciidamada.

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Erdodan inuu taageero ururka Argagixisada ee Xamaas, si fiicana u yaqaan argagixisada iyo xasuuqa, wuxuuna u soo jeediyay inuusan waano siin karin Israel. laakiin Madaxweyne Erdogan ayaa arrintaasi ugaa jawaabay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya gumeysiga Yuhuuda.

Israa’iil ayaa sidoo kale ka carootay in safiirkeeda laga soo saaray Turkiga lagu baaray garoonka magaalada Ankara iyadoo muuqaallo laga duubayo taasoo xadgudub ku ah sharciga diblomaasiyadda.

Xaaladda ayaa ka sii dartay waxayna dowladda Turkiga shaacisay in Israel iyo Masar ay diideen in fasax siiyaan diyaarad ay Turkiga leedahay oo dooneysay inay dadkii lagu dhaawacay Marinka GAZA loo qaado Turkiga si loogu soo daweeyo.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

XFS oo amartay Hay’adaha DF inay dhaqan-geliyaan sharciga Iibka Qaranka

August, 17, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar ...

(Daawo Sawirro) Dowlada Qatar oo balan-qaad muhiim ah u sameysay Ciidanka Booliska Somalia

August, 16, 2018
aliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ...

Dhagayso-Barnaamijkii Xiisaha Lahaa ee Xulka Waraysiyada Radio Vos C.waaq

August, 16, 2018
  Halkaan Hoose ka Dhagayso Bar-oo -uu soo jediye ...

Daawo Warbixin :-Dalxiisayaasha Galmo-Doonka Ah Oo Guur Ku Daga Gashaantiyada Soomaalida!

August, 16, 2018
Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga ...

DHAGEYSO:-HirShabelle Oo Isbadel Ballaaran Sameysay Afhayeenkii Gobolka Hiiraan Oo Xil Culus Helay

August, 16, 2018
Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha HirShabelle Maxamed ...

Dhageyso:- Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21-aad Oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dil Ka Geystay Mudug

August, 16, 2018
Galgaduud Islamarkaasna Ay Fariisin U Ah Guutada 13 ...

Ajaanibta ku sugan gudaha dalka oo la tirakoobayo (SAWIRRO)

August, 16, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob ...

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ...

Masuuliyiinta Galmudug oo Dhuusa-mareeb kula kulmay Saraakiil Mareykan ah (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ...

AMISOM oo bilawday ka bixitaankooda Muqdisho Stadium

August, 16, 2018
Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ...

Maqaallo

Jawaari oo fariin DF ceeb ku ah u gudbiyey caalamka iyo hammi cusub oo galay

August, 16, 2018
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com