GGGGGG
Wednesday, January 16th, 2019
header

Muran iyo isqabqabsi sii xoogeysanaya oo hareeyey Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Waxaa soo baxaya buuq xooggan & isqabqabsi ka dhex taagan howlwadeenada Xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre kaasoo ka dhashay xil ka qaadis iyo magacaabis ay iskood u sameeyeen masuuliyiin xilal hoose ka haya xafiiskiisa.

Isqabqabsigan ayaa bilowday sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ka dib markii Xoghayaha ku meelgaarka ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Maxamed Keynaan uu magacaabay labo xil oo kala ah:

1) Sacdiya Maxamed Cilmi oo loo magacaabay Agaasimaha Siyaasadda iyo kormeerka iyo

2) Yacquub Max’ed Cabdalla oo laga dhigay agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka dadweynaha

Sacdiya Maxamed Cilmi iyo Yaxye Cali Ibraahim Herari

Shaqsiyaadka la magacaabay waxaa la rumeysan yahay iney kala wateen Xogheyaha KMG ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Maxamed Kaynaan oo la yimid Yacquub Maxamed Cabdalla, iyo Sacdiya Maxamed Cilmi oo uu keensaday Yaxye Cali Ibraahim Herari oo ah La taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ee dhinaca Doorashooyinka, arrimaha Federaalka iyo dhanka amniga, waxaana xusid mudan in magacaabista ka hor Maxamed Keynaan uu sabab la’aan shaqada uga eryey masuuliyiintii xilalkan horey u hayey oo lagu magacaabay wareegto Raisul Wasaare.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Xafiiska raisul Wasaaraha ayaa sheegaya in labadii masuul ee horey xilalkaan u hayey ay ku gacan seyreen xilka ka qaadista lagu sameeyey iyagoo cuskanaya in lagu soo magacaabay wareegto Raisul Wasaare, Xoghaye KMG ahna uusan awood u laheyn inuu xilalka ka qaado, waxaana hardanka ka dhexeeya masuuliyiinta la magacaabay iyo kuwii horey u joogay uu sababay buuq badan oo hareeyey xafiiska raisul Wasaaraha dalka.

Sida aynu ogaanay Ra’isul Waaare Xasan Cali Khayre ayaa ka carooday muranka ka dhex aloosmay howlwadeenada xafiiskiisa inkastoo illaa hadda uusan wax fara gelin ah ku sameynin.

Xiisada ka dhalatay xilalkan la magacaabay ayaa ka sii dartay ka dib markii ay Xafiiska Khayre yimaadeen Xildhibaano kala taageersan labada agaasime ee cusub iyo kuwii hore oo kala difaacaya labada dhinac ee murankoodu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Maxamed Kaynaan iyo Yacquub Maxamed Cabdalla

Ra‘isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu ku jahwareeray xalinta murankan maadaama uu ku biyo shubtay labo daran mid dooro oo ah sidii loo kala saari lahaa afar Xildhibaan oo kala wata afar Agaasime oo labo jago isku heysta.

Ilo wareedyo ayaa Albanaadir u xaqiijiyey in raisul wasaare Khayre uu ka fiirsanayo talaabo uu damacsan yahay inuu shaqada kaga eryo Xogheyaha KMG ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Maxamed Kaynaan oo uu aaminsan yahay inuu aabe u yahay muranka taagan.

Khayre ayaa ka careysan sababta uu xoghaye Keynaan xilalka uga qaaday masuuliyiin uu isagu markoodii hore magacaabay iyo sababta uu ugu soo wargelin waayey inta uusan talaabadaas qaadin ka hor.

Waxaa sii Xoogeysanaya wararka sheegaya in laga yaabo inuu Xilkiisa waayo Xoghayaha KMG ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Maxamed Kaynaan sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Yaxye Cali Ibraahin Herari oo ka tirsan la taliyeyaasha Raisul Wasaaraha loo badinayo in xilkaas laga fariisiyo, loona magacaabo Taliye ku Xigeenka Nabad sugidda Qaranka ama Taliyaha Nabad Sugidda Gobalka Banaadir.

Buuqa iyo isqabqabsiga taagan ayaa ku soo beegmay xili Khayre ay ku furan tahay mushkilad ka dhalatay culeysyo ka soo food saaray balanqaadyo uu horay ugu sameeyey Xildhibaanadii ku taageeray mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Jawaari

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Akhriso:-Madaxda Ka Qeyb Galeysa Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha KGS

January, 16, 2019
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu ...

-Booliska Somalia Oo Ka Hadlay Cabashadii Xildhibaan Muno Key

January, 16, 2019
Xildhibaan Muno Sheekh Khaliif Abuu ( Muno Key) ...

Sawirro:-Booliska Somalia Oo Lagu Wareejiyay Qalab Lagu Ogaanayo Faraha Dadka Dembiilayaasha Ah

January, 16, 2019
Shabakadda Wararka ee AMISOM ayaa qortay inay Taliska ...

Ciidammada Kenya oo weli wada howlgal lagu soo afjarayo weerrarkii Nairobi

January, 16, 2019
Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa weli iskudayaya inay ...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la caleema saarayo

January, 16, 2019
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ...

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Magalada Nairobi

January, 16, 2019
War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda ...

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett oo Faahfaahiyay Weerarkii Galabtay Nairobi ka dhacay

January, 15, 2019
Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett ...

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhoobley

January, 15, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Badbaaday Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Oo Ka Socda Nairobi

January, 15, 2019
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax ...

Akhriso:-Xisbiga Cadaaladda Iyo Horumarka”Waa In Lala Socdaa Hab Dhaqanka Guracan Ee Dowladda Farmaajo & Kheyre”

January, 15, 2019
Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo ka mid ah ...

Maqaallo