GGGGGG
Friday, August 17th, 2018
header

 XOG XASAASI:- Gaas & Axmed Madoobe oo wada qorshe lagu dhisayo Isbaheysi ka dhan DFS & 5-Qodob oo Saldhig u ah 

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 13, 2018 by   ·   No Comments

Khilaaf Siyaasadeed xiligaani ka dhextaagan Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa Cirka isku sii shareeray.

Khilaafkan ayaa curtay wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada Qadar kala dhexeysa xulafada Sacuudiga sida Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyada aan kor kusoo xusnay ayaa xoogeystay kadib markii labada maamul Goboleed ay qaadaceen go’aan ay dowlada Soomaaliya ku qabatay dhaqaale xoogan oo Imaaraadka Carabta ay dooneysay in dalka ay kasoo galiso dhanka Garoonka Aadan Cadde, taa oo gashay gacanta Hay’adda NISA.

Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo ka duulaaya go’aanada Dowlada ayaa sheegay inaanu aqbaleynin in dowladu ay kaligeeda ku dhaqaaqdo go’aan latashi la’aan ah.

Madoobe iyo Gaas, ayaa wixii intaa ka danbeeyay bilaabay aasaaska xulafo kasoo horjeeda Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay ka weecatay la dhaqanka Dowlada Imaaraadka Carabta.

Qorshaha hadda socda ee labada Hogaamiye ayaa ah in isbaheysiga uu aasaaskiisa socdo lagu biiriyo Hogaamiyayaal kale oo ka taliya maamul Goboleedyada ka jira dalka, Siyaasiyiin Mucaarad ah oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka balse kasoo horjeeda Dowlada Federaalka.

Qorshaha cusub ee Hogaamiyayaasha ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sabab u aheyd khilaafka Dowlada iyo maamul Goboleedyada hadda isbaheysanaaya.

QODOBADA SALDHIGA U AH ISBAHEYSIGA AY DHISAYAAN LABADA HOGAAMIYE AYAA KALA AH:

1: ­Is hortaaga qorshooyinka Dowlada Federaalka oo dhan waliba ah.

2­: Khilaaf u abuurida Dowlada Federaalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la fulinaaya rabitaanka Dowlada Imaaraadka.

3­: Kala ququbida Dowlada iyo Shacbkeeda, iyadoo laga shaqeynaayo muujinta ciladaha yaryar ee dowlada, sida uu qorshuhu yahay.

4: ­Adeegsiga warbaahinta xorta ah si dowlada loo dareensiiyo xiisada ay abuureyso Imaaraadka oo khilaaf kala dhexeeya.

5: ­In shacbiga laga jeediyo Nabadda iyo Midnimada, isla markaana loo jiheeyo jihooyin kale oo mugdi galinaaya xasiloonida dalka.

Sidoo kale, dhismaha Isbaheysigaan ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadaneysa Dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska lagu dhisaayo Dekada Berbera oo ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, waxaana xusid mudan inay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan BFS oo heysta dhalasho Ethiopian ah.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa waxa uuna halkaa kula kulmay Ra’isul wasaaraha dalkaasi oo ay kawada hadleen arrimaha Dekadda Berbera iyo mowqifka ay ka qaadatay Dowlada Somalia iyo weliba sida lagu carqaladeyn lahaa Dowlada hadda jirta ee loo arko inay caqabad ku tahay danaha Imaaraadka iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu gaaro magaalada Addis Ababa, si looga soo saxiixo qodobo hoosaad uu horay usoo saxiixay Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha danaha ka leh Somalia ee la hor istaagay ayaa u muuqanaaya inay u kala hormarayaan xoojinta xiriirka Jubbaland iyo Puntland oo iyagu u saaxiib ah damac dhaqaale.

Allsaaxo News

Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

XFS oo amartay Hay’adaha DF inay dhaqan-geliyaan sharciga Iibka Qaranka

August, 17, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar ...

(Daawo Sawirro) Dowlada Qatar oo balan-qaad muhiim ah u sameysay Ciidanka Booliska Somalia

August, 16, 2018
aliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ...

Dhagayso-Barnaamijkii Xiisaha Lahaa ee Xulka Waraysiyada Radio Vos C.waaq

August, 16, 2018
  Halkaan Hoose ka Dhagayso Bar-oo -uu soo jediye ...

Daawo Warbixin :-Dalxiisayaasha Galmo-Doonka Ah Oo Guur Ku Daga Gashaantiyada Soomaalida!

August, 16, 2018
Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga ...

DHAGEYSO:-HirShabelle Oo Isbadel Ballaaran Sameysay Afhayeenkii Gobolka Hiiraan Oo Xil Culus Helay

August, 16, 2018
Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha HirShabelle Maxamed ...

Dhageyso:- Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21-aad Oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dil Ka Geystay Mudug

August, 16, 2018
Galgaduud Islamarkaasna Ay Fariisin U Ah Guutada 13 ...

Ajaanibta ku sugan gudaha dalka oo la tirakoobayo (SAWIRRO)

August, 16, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob ...

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ...

Masuuliyiinta Galmudug oo Dhuusa-mareeb kula kulmay Saraakiil Mareykan ah (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ...

AMISOM oo bilawday ka bixitaankooda Muqdisho Stadium

August, 16, 2018
Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ...

Maqaallo

Jawaari oo fariin DF ceeb ku ah u gudbiyey caalamka iyo hammi cusub oo galay

August, 16, 2018
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com