GGGGGG
Monday, March 25th, 2019
header

Madaxwayne Erdogan: Israaiil Colaad ayay ka hurinaysaa gobolka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Israel ku eedeeyey in ay colaad ka hurinayso bariga dhexe. Mr Erdogan ayaa faallo ka bixiyey duqaymihii ugu dambeeyey ee ay israaiil ka gaysatay saldhigyo ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya. Israaiil ayaa sheegtay in ay weerarkaan kaga facelinaysay weerar gantaal oo iiraan ay ku qaadday ciidamadeeda ku sugan Golan Heights.

Balse Mr Erdogan oo la hadlayey barnaamijka gaarka ah ee BBC-da ee Hardtalk, ayaa cabeerayey dhacdooyinkaan, wuxuuna sheegay in Israel ay si joogta ah cabsi uga abuurayso gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa su’aal galiyey in dhacdooyinkaan ay faraha ka bixi karaan asagoo sheegay in ay tahay su’aal meesha kujirta. Wuxuu sheegay in Israaiill ay Suuriya ku gantay in kabadan 50 gantaal. Sababtuna ay tahay kicin dagaal kaqarxa gobolka.

Wuxuu intaas ku daray in Israaiil ay si joogto ah u cabsi galinayso bariga dhexe. Waa tallaabo kale ayuu yiri oo loo qaaday dhanka argagixisnimada. Loomana dulqaadan karo falalka caynkaan, wuxuu iswaydiiyey sababta ay israaciil ay u adeegsatay gantaalahaan, iyo waxa uu yahay hadafka ay rabaan in ay ka gaaraan.

Wuxuu sheegay in sheegashada Israaiil ee ah in iiraan ay weerar kusoo qadday buuraha Golan Heights ay tahay xog aan la isku hallayn Karin, asaguna uusan waxba ka ogayn iiraanna wayba beenisay arrinataan. Asagoo arrimahaas ka hadlaya madaxweyne Erdogan wuxuu yiri:

“Iiraan waxay leedahay arrintaan waxba kama jiraan, in aan hal dhinac warkeeda qaadanno waxay noqonaysaa khalad. Waxaan la hadlay madaxweynaha IIraan Hassan Rouhani, mana ay ablayaan dhacdooyinka noocaan ah, sidaas darteed sax maahan inaad hoos u dagto. Tallaabooyin ku aaddan dhanka nabadda ayaa loo baahan in si dagdag ah loo qaado. Haddiise aan sidaas la yeelin, mustaqbalka bariga dhexe wuxuu galayaa dhibaato hor leh.Waa inaan xal u helnaa xaaladda taagan. Dalalka reer galbeedka waxaa looga baahan yahay in ay dib u eegaan habdhaqankooda u aaddan gobolka gaar ahaan Suuriya. Waxaan ka walaacsanahay hawgallada laga fulinayo gobolkaan bariga dhexe, gaar ahaan maraykanka, iyo Britain, Jarmalka, iyo dalal kale, taas oo xaaladda uga sii dari karta”

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magalada Gaalkacyo

March, 25, 2019
  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka ...

Akhriso:-Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Muqdisho

March, 25, 2019
Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,waxaana ...

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Caawa Ka Dhacay Kenya

March, 25, 2019
Dhul ruxankii xalay saacaddu markay ahayd 7.22 daqiiqo ...

Yuusuf Madaale”Amniga Muqdisho meeshii ugu xumeyd ayuu joogaa Isbarbar yaac ayaana ka jira”

March, 25, 2019
Iyada oo maalmihii dambe uu sii xumaanayay amniga ...

Wasiir kale oo ka mid ah Somaliland oo Musuq loo heysto

March, 25, 2019
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in ...

Howlgal ka dhacay Muqdisho & dad badan oo lagu qabqabtay

March, 25, 2019
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay ...

Faah Faahin Dagaal ka dhacay Gobalka Doollo.

March, 24, 2019
Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay ...

DEG DEG: Dhulgariir ruxay Kenya

March, 24, 2019
Sidda ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya Dhulka ayaa ruxmay ...

Ciidamo kale oo ku dhawaaqay in ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka

March, 24, 2019
Cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ...

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

March, 24, 2019
Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada ...

Maqaallo