GGGGGG
Saturday, August 18th, 2018
header

Dowladda Qatar oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Wanlaweyn

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 10, 2018 by   ·   No Comments

Dowladda Qatar ayaa si adag waxay u cambaareysay weerarkii Isqarxinta ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Aargada Muuri oo ku taalla Bartamaha Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan oo uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay ayaa waxauu beegsaday Suuq yar oo lagu iibiyo Qaadka, wuxuuna halkaasi ku galaaftay nolosha dad ka badan 8 qof, halka uu dhaawacay tiro intaas ka badan, oo ay ku jiraan Askarta Dowladda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa waxa ay ku sheegtay in ay si weyn uga xuntahay Qaraxaasi oo ay sheegtay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxayna caafimaad deg deg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay weerarkan.

Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa waxa ay xustay in ay garab taagan tahay umada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka caawin doonto Dowladda Soomaaliya sidii uu dalku nabad u noqon lahaa.

Warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dowladda Qatar ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada ay dowladda Qatar ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana Qatar ay wacad ku martay in ay laba jibaari doono taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerar isqarxin ah oo lagu galay saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Kapul ee dalka Afganistan, halkaasi oo lagu dilay dad ka badan 10 qof, waxayna tilmaamtay in falkan uu yahay mid Argagixiso.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Duqa Muqdisho oo dib ugu soo celiyey Gurigooda qoys dan-yar ah+Sawirro

August, 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan ...

Dowladda Qatar Oo Soo Saartey Eedeyn Ka Dhan Ah Sacuudiga Oo Ku Saabsan Arrimaha Xajka

August, 18, 2018
War ka soo baxay Dowladda Qatar ayaa waxaa ...

Xubno ka tirsan dekadda Muqdisho oo xabsiga la dhigay

August, 18, 2018
Ciidamada amaanka ayaa goordhaw waxa ay xabsiga dhigeen ...

Guddoomiyihii Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Iscasilay

August, 18, 2018
Wararka aanu hadda ka helayno magaalada Jigjiga ee ...

Akhriso:-Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey

August, 18, 2018
Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka ayaa maanata Dhaariyay Garsoorayaasha Maxkamada ...

Dawlada Tukiga oo sheegtay inaysan jirin cid ay kula tartamayso Soomaaliya

August, 18, 2018
Turkigu kula tartami mayo wadan kale isku dayga ...

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo geeriyooday isagoo 80 jir ah

August, 18, 2018
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa ...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xil u magacaabay ku xigeenkii NISA ee uu Farmaajo xilka ka qaaday

August, 18, 2018
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ...

RW Kheyre oo ku amray Diblomaasiyiinta Safaaradda Sudan inay degdeg ku soo galaan dalka

August, 18, 2018
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo ...

Mooshin loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Puntland

August, 18, 2018
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ...

Maqaallo

SAWIRRO:RW kheyre oo bilaabay la xisaabtanka wasiirada

August, 18, 2018
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com