GGGGGG
Tuesday, May 22nd, 2018
header

Axmed Madoobe iyo Khilaafkii Arrinta Khaliijka ee Soomaaliya ee soo labo kacleeyay (AQRI)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 9, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada. “Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu hadalkan jeediyay markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo isagoo dhowaan safar ku soo maray itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii hore go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka noqoto , waxayna ku baaqday in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Balse Axmed madoobe ayaa ku eedeeyay dowladdu inay arrintaasi ka weecatay oo ay hadda la safatay Qadar.

“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysatay in mowqifkeedii dhexdhexaadnimada uusan waxba iska beddelin.

Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna uu la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qotodheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay mowqifka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar.

Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Maamul goboleedyada aanan weli wax go’aan ah ka qaadan, islamarkaasna aanan wax hadal ah ka soo saarin ayaa ah Jubbaland iyo Hirshabeelle oo iyadu maalmo uun kahor loo doortay madaxweyne cusub.

10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safan tahay Sucuudiga iyo Imaaraadka, isla markaasna ay xiriirka u jartay Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo degenaanshaha, isla markaasna ka soo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxay taageertay mowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar”.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Muwaadiniin Soomaali ah oo si Foolxun loogu dilay Bartamaha London, Magacyada+Sawiradooda

May, 22, 2018
72-kii saacadood ee la so odhaafay waxaa magaalladda ...

DAAWO:- Soomaalida Minnesota oo dhigay Banaanbax (Ogow Sababta)

May, 22, 2018
Jaaliyadda Soomalaiyeed ee Minnesota oo ka jawaabayay warbixin ...

Madaxweyne Axmed Madoobe oo digniin Culus u jeediyay Hay’adaha ka hawlgala Deeganada Jubbaland (OGOW SABABTA)

May, 22, 2018
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed ( Madoobe) oo ...

Wararkii u danbeeyay Dil caawa ka dhacay Muqdisho

May, 21, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada ...

Guddoomiyaga G/banaadir oo shaaciyay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Roobabkii ka Da’ay Muqdisho

May, 21, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan ...

Garab ka mid ah maamulka Khaatuma ku Dhawaaqay inay ku Biirayaan Dagaalka Tuka-raq, kana soo horjeedaan…

May, 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo war ...

Amaro Culus oo la duldhigay Ajaaniibta ku sugan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed

May, 21, 2018
Wasaarada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa amar duldhigtay ...

Xog laga helay Madaxweynaha Turkiga oo ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa ( YAA KA DANBEEYAY)

May, 21, 2018
Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda ...

Dhagays:Khaatumo oo War layaab Leh ka soo Saartay Dagaalka Tukaraq

May, 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali ...

(Dhageyso+Sawirro)Deeq lacageed oo ka timid DF oo Raashin Gargaar ah loogu qeybiyey ilaa shan Boqol oo qoys oo ku dhaqan degmada Baardheere

May, 21, 2018
Qoysaska la gaarsiiyey Raashinkan Gargaarka ah ayaa isugu ...

Maqaallo