GGGGGG
Friday, August 17th, 2018
header

Akhriso;War-Murtiyeedka laga soo saaray kulan ay yeesheen hogaamiyaasha Kenya iyo Ethiopia Iyo Danta Somalia

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 9, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo gabagabeeyay booqasho qaadatay muddo labo cisho ah oo uu ku joogay dalka Kenya isagoo la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada hogaamiye ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka u dhexeeya iyagoo gaaray heshiisyo taariiqi ah oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, Ganacsiga, dalxiiska iyo iskaashi dhaqaale.

War Murtiyeed laga soo saaray kulanka labada hogaamiye ayaa lagu sheegay in labada dalba ay qorsheynayaan inay xaqiiiyaan nabad ka dhalata dalka Koofurta Sudan iyo weliba in laga hortago halista ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Arrimaha dalka Soomaaliya ayaa War-Murtiyeedka lagu xusay awooda Al-Shabaab ee sii kordhaysa iyo taageero la’aanta ay la kulmayaan ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.

“Labada hoggaamiye waxa ay hoosta ka xariiqayaan halista uu ururka Al-Shabaab ku haya dalka Soomaaliya iyo gobolka. Sidaa awgeed waxaan qireynaa debecsanaanta taageerada caalamiga ah ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dhaqaalaha ku baxa ciidamada AMISOM.”ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu xusay in ay labada hogaamiye ay raadin doonaan sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa ciidamada AMISOM iyo weliba tababar la siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya. Hogaamiyaasha labada wadan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay halista ay ku tahay dalka Soomaaliya farogelinta ay wadamo shisheeye ku hayaan.

Wadamada Kenya iyo Ethiopia ayaa ciidamo ka socda waxa ay ka mid yihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM waxaana shalay dhowaan 9 ka mid ah ciidamada Kenya ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel ku dhow magaalada Dhoobley oo ku taal xadka wadamada Soomaaliya iyo Kenya

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

XFS oo amartay Hay’adaha DF inay dhaqan-geliyaan sharciga Iibka Qaranka

August, 17, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar ...

(Daawo Sawirro) Dowlada Qatar oo balan-qaad muhiim ah u sameysay Ciidanka Booliska Somalia

August, 16, 2018
aliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ...

Dhagayso-Barnaamijkii Xiisaha Lahaa ee Xulka Waraysiyada Radio Vos C.waaq

August, 16, 2018
  Halkaan Hoose ka Dhagayso Bar-oo -uu soo jediye ...

Daawo Warbixin :-Dalxiisayaasha Galmo-Doonka Ah Oo Guur Ku Daga Gashaantiyada Soomaalida!

August, 16, 2018
Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga ...

DHAGEYSO:-HirShabelle Oo Isbadel Ballaaran Sameysay Afhayeenkii Gobolka Hiiraan Oo Xil Culus Helay

August, 16, 2018
Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha HirShabelle Maxamed ...

Dhageyso:- Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21-aad Oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dil Ka Geystay Mudug

August, 16, 2018
Galgaduud Islamarkaasna Ay Fariisin U Ah Guutada 13 ...

Ajaanibta ku sugan gudaha dalka oo la tirakoobayo (SAWIRRO)

August, 16, 2018
 Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob ...

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ...

Masuuliyiinta Galmudug oo Dhuusa-mareeb kula kulmay Saraakiil Mareykan ah (SAWIRRO)

August, 16, 2018
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ...

AMISOM oo bilawday ka bixitaankooda Muqdisho Stadium

August, 16, 2018
Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ...

Maqaallo

Jawaari oo fariin DF ceeb ku ah u gudbiyey caalamka iyo hammi cusub oo galay

August, 16, 2018
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com