GGGGGG
Wednesday, November 14th, 2018
header

Kulanka Golaha Shacabka BFS ee maanta oo looga hadlay arrimo dhawr ah

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 7, 2018 by   ·   No Comments

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeesheen xaruntooda Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay dhawr arrimood.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo todobaadkii la soo dhaafay maalin Isniin ah ay doorteen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shir guddoominayay kulanka.

Ajandaha gaarka ah ee kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxa uu la xiriiray habmaamuska Xeerka lagu aas aasay Midowga Africa ee khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika oo Mudanayaasha ay si aad ah uga doodeen, kaasi oo ugu dambeyn ay meelmariyeen.

Mudane Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay natiijada ansixinta xeerkan ayaa waxa uu sheegay kulanka in ay soo xaadireen 144 Mudane, ayna ogolaadeen 141 Xildhibaan, wax diidayna aysan jirin, balse ay ka aamuseen ilaa Saddex Mudane, sidaasina uu ansax ku yahay xeerkan.

Xeerka maanta la horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa shalay waxaa soo ansixiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xeerkan ayaa waxaa Golaha Wasiirada horgeeyay kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, mana jirin cid diiday, iyada oo ugu dambeyn ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 137 Kun oo Dollar ugu deeqay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaasi oo hada la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadaya ku noqoshada Miisaaniyadda

November, 14, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka ...

SAWIRO: Wasiir Cawad oo Itoobiya kula kulmay Xulka Qaranka Soomaaliya

November, 14, 2018
Danjire Axmed Ciise Cawad  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ...

Dagaal saakay ka dhacay Mooyaale.

November, 14, 2018
Wararka ka imaanaya deegaanka mooyaale ayaa sheegaya in ...

(Dhageyso)War Deg Deg ah :Wasiiru Dowlaha Amniga Jubaland oo Iska Casiley Xilkaasi

November, 13, 2018
Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Labadii Sanno ee ...

Raiisal Wasaare Ku xigeenka dalka oo maanta daah furay Shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

November, 13, 2018
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ...

Sawirro:-Wafdi Ka Socda QM Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Kusimaha Madaxweynaha KGS

November, 13, 2018
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

UK oo wali ka walaacsan dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

November, 13, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Jeremy Hunt ayaa sheegay ...

Ciidanka Kenya oo toogtay haweenay Soomaali ah

November, 13, 2018
Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ...

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Spain

November, 13, 2018
Saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ...

SAWIRO: Banaanbax ka socda Gaalkacyo

November, 13, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ...

Maqaallo