GGGGGG
Monday, May 21st, 2018
header

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Arin Mahiim ah ka Hadlay

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 7, 2018 by   ·   No Comments

Duqa MagaaladaMuqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines, ayaa kala hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha iyo Horumarinta caasimada.

Duqa Caasimadda ayaa ka warbixiyey horumarka uu dhinacyada kala duwan ka sameeyey maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan. Waxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha Barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha.

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana safiirkooda ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhanka dib-u-dhiska, gaar ahaan dhismaha Studiom Muqdisho, dib-u-casriyeynta nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda iyo sidii aan xal ugu heli lahayn dadka magaalada ku soo barakacay”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga Banii’adamnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Dhegayso:Xidhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo markale ka hadlay xaaladda magaalada Beledweyne

May, 21, 2018
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah ...

Sawirro:-Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Guddiga Gurmadka Iyo Xubnaha Beesha Caalamka

May, 20, 2018
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi ...

Dhageyso:-Xildhibaan Dr Cabdi Cali ”Xarunta Golaha Shacabku Waxay Isku Bedeshay Gole Geel”

May, 20, 2018
Xildhibaan Dr Cabdi Cali oo ka mid ah ...

Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Kasoo Yeeray Kenya Oo La Xiriiray Dacwada Badda

May, 20, 2018
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa ...

Dhageyso:- Khasaaro Horleh Oo Uu Geystay Roobkii Ka Da’ay Muqdisho

May, 20, 2018
Saacadahii lasoo dhaafay ayaa waxaa roob uu ka ...

Soomaaliland Oo Markale Xukun Culus Ku Riday Boqor Buurmadow

May, 20, 2018
Maxkamada Magalada Hargeysa ee Gobolka la yiraahdo Maroodi ...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka OoWarbaahinta la hadlay kana War Bixiyay Safar Uu Ku Tegay Dalka Turkiga

May, 20, 2018
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi ...

Magalada Baydhabo Oo Laga Mamnuucay Gaadiidka Inay Galaan Xilliyada

May, 20, 2018
Waxaa siweyn loo adkeeyey Amniga Magalada Baydhabo ee ...

AKHRISO:- Imtixaankii dowladda ee dugsiyadda Sare oo baaqday

May, 20, 2018
Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ...

Somaliland oo xabsiga u taxaabtay  Nabaddoon Maxamed Muuse 

May, 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee gobolka ...

Maqaallo

AKHRISO:- Duufaantii ku dhufatay Soomaaliya oo sababtay Khasaare badan

May, 20, 2018
Duufaan xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com