GGGGGG
Tuesday, October 23rd, 2018
header

Weeraro Lagu Qaaday Saldhiga Amisom ee Baraawe Iyo Xarunta Degmadaasi

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday gudaha iyo duleedka degmada baraawe ee xarunta rasmiga ee maamul gobaleedka koofur galbeed soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaababka ay u dhaceen weeraradaasi, wararka koowaad ayaa loo adeegsaday bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro oo lagu weeraray xarunta maamulka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose , oo ay ku sugnayeen Mas’uuliyiin iyo Askar katirsan maamulka.

Weerarka 2-aad ayaa la sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin duleedka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Bare Maxamed oo la hadlay shabakada wararka e allsaaxo ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka lagu qaaday xarunta maamulka degmada, gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro.

War kasoo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar khasaare dhaliyay ay ciidamadooda gaarka ah ku qaadeen xarun ciidamada midowga Afrika ee Amisom ay ku leeyihiin duleedka baraawe, balse Al-shabaab ayaan ka hadlin weerarka loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta ee lagu qaaday xarunta maamulka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weeraradaasi ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka degmada baraawe ay ka sameynayaan xaafadaha degmadaasi howlgalo xoogan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay weerarka khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday xarunta degmadaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay ee weeraro noocaan oo kala ah lagu qaado degmada baraawe. Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ayaa weerar la mid ah weerarkaan lagu qaaday degmadaasi

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

dhageyso ;xiisah badanaa bar’ xulka wreysiyad ee radio vos c’wqa

October, 23, 2018
halakn ka dhageyso baraamijkiii  xiiisah badanaa ee xulka ...

Waraysi:Cadaymo ah in somaliland ku lug leedahay Dagaalada sool oo la shaaciyay

October, 23, 2018
Mohamuud Xasan Soo Cadde Oo ka mid ah ...

Dhagayso:Aqalka Sare oo sheegay in xukuumadda ay ka heleen jawaabtii ay ka sugayeen

October, 23, 2018
Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ...

Akhriso:-Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo Digniin Soo Saaray

October, 23, 2018
Puntland Focus Group ayaa warsaxafeed ka soo saartay ...

Waraysi:Muxuu Salka Ku hayaa Khilaafka Siyaasadeed Ee ka Dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood Iyo Dawladda Dhexe?

October, 23, 2018
Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Dhaxe-Aloosan Madaxda Maamul Goboleedyada ...

Sawirro:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Oo Furay Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho

October, 23, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi ...

Hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

October, 23, 2018
Sida ay sheegayaan wararka  hogaamiye ku xigeenkii dagaalamayaasha ...

Madaxweynaha Turkiga oo caalamka Warbixin ka siiyay dilkii Khashoggi

October, 23, 2018
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka ...

DHAGEYSO: RW Kheyre oo Amar siiyay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Xoogga

October, 23, 2018
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan ...

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaalka Sool

October, 23, 2018
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ...

Maqaallo