Roma oo shalaay ka taagan qiimihii Mohamed Salah ay uga iibisay Liverpool

(Roma) 15 Feb 2018 Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxdiisa Liverpool oo uu ku soo biiray suuqii xaggaaga.

Liverpool ayaa 32 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga reer Masar xaggaagii tagay markaas oo Roma ay aqbashay in laacibkeedu uu u dhaqaaqo horyaalka ingiriiska.

Monchi oo ah agaasimaha ciyaaraha kooxda Roma ayaa sheegay in kooxdiisu ay qasab ku ahayd inay qiimo jaban ku iibiso Salah maadama kooxdu ay doonaysay inaysan jabin sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.

“Waxaan iibkiisa ku heli karnay 50 milyan oo euro oo lacagta dhiirogalinta ay ku jirto, laakiin waqtigaas qasab ayeey nagu ahayd inaan iibino Salah” ayuu yiri Monchi oo hadlay.

“Neymar iyo Mbappe ayaa badalay suuqii ,laakiin si walba oo ay ahaato qasab ayeey nagu ahayd inaan iibino Mohamed Salah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*