Qarax gaari ayaa ka dhacay Muqdisho
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on February 15, 2018 by mahad hassan · No Comments
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Horseed.
Gaariga Qarxay oo nuuciisa uu ahaa SPACIO ayaa waxa uu 04:30 galabnimo ku qarxay xaafadda Via Liberia gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Maleyka.
Nooca Qaraxan ayaa la sheegay inuu yahay midka dhajiska ah ee Baabuurta lagu xiro, kaasi oo inta badan lagu xiro Baabuurta ay wataan shaqsiyaadka Dowladda Federaalka ka tirsan ee Magaalada dhex jooga
Gaariga Qarxay uu lahaa Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka, xilliga uu Qaraxa dhacayayna uusan saarneyn.
Hay’adaha Ammaanka oo laftirkooda tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano la xiriira falkan,
waxayna sheegeen in aysan jirin cid wax ku noqotay Qaraxan, marka laga reebo gaariga oo burbur uu soo gaaray.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in waxyeelo aan buurneyn uu ka soo gaaray qof shacab ah oo xilliga uu
Qaraxa dhacayay Aaggaasi ka akdhowaa, kaasi oo durbadiiba goobta lugihiisa uga tagay, maadaama dhaawaca soo gaaray uu koobnaa.
Inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaano, ayaa xoogaga ururka Al-Shabaab waxa ay ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u shaqeeya
waxii ka so kurdho kala soco www.allsaaxo.com
Related
February, 16, 2019
Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ...
February, 16, 2019
Xukuumada cusub ee maamulka puntland oo uu dhawaan ...
February, 16, 2019
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ...
February, 16, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda ...
February, 16, 2019
Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ...
February, 16, 2019
Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada ...
February, 16, 2019
Ugu yaraan 56 Qof ayaa Saddexdii Bil ee ...
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...