GGGGGG
Saturday, February 16th, 2019
header

Dhagayso:Maxamuud C/llaahi oo buuxiyay kursigii uu ka geeriyooday walaalkiis wasiir Cabaas Siraaji

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta oo Khamiis ah waxaa ka dhacday Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartamay ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS, kaasi oo 3-dii May 2017-kii xilli fiid ah uu toogtay Askari ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii hore Qaranka Dr. Nuur Faarax, Meel Hal Meyl wax ka yar u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamuud Sheekh C/laahi Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas iyo Fardowsa Xasan Maxamed, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ahaa oo codeeyay dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan, ugu dambeyna waxaa guuleystay Maxamuud Siraaji.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ku dhawaaqday Natiijada Doorashada ayaa sheegtay in Maxamuud Sheekh C/laahi uu helay codad gaaraya 50, halka Fardowa Xasan Maxamed aysan waxba helin, Hal codna uu halabaay, sidaasina uu kursigaasi ugu guuleystay Xildhibaan Maxamuud.

Doorashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Doorashooyinka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Saxaafadda.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa 28-kii January magaalada Jowhar ku qabtay Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo horey uu u baneeyay Taliyihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe, waxaa kursigaasi ku soo baxay Nuur Iidow Beyle oo horey uga tirsanaa Baarlamaankii 9-aad.

      110212_001 - My Recording

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Shabaab oo sheegtay askar Mareykan inay ku dileyn duqeyn

February, 16, 2019
Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ...

Baarlamaanka Puntland oo maanta codka kalsoonida uqaadaya Xukuumada cusub

February, 16, 2019
Xukuumada cusub ee maamulka puntland oo uu dhawaan ...

Bulshada Muqdisho oo ah Canshuur bixiyaal aan helin adeegyada dowladda

February, 16, 2019
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ...

sawiro;’Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhigiisa Sweden kula kulmay Stockholm

February, 16, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda ...

Haweeney Dil Loogu Geystay Magaaada Muqdisho

February, 16, 2019
Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ...

Wasaaradda Qorsheynta oo Kismaayo ka furtay shir ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka

February, 16, 2019
Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada ...

56 qof oo Hargab ugu dhimatay dalka giriigga

February, 16, 2019
Ugu yaraan 56 Qof ayaa Saddexdii Bil ee ...

Booliska Minnesota oo baaraya Toogasho loo geystay wiil Soomaali ah.

February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...

Labada Musharax ee ugu cad-cad doorashada Nigeria oo baaq isku mid ah diray.

February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...

Al Shabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaadday Saldhigga ugu weyn Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo  ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...

Maqaallo