Arsenal oo BAXAR ku jirta CAAWA!! (Garoonka lagu ciyaarsiin doono oo….)

(Europe) 15 Feb 2018. Arsenal ayaa caawa baxar ku jirta maadaama ay booqaneyso garoonka jinni jaanka ah ee naadiga Ostersunds oo ay kula ciyaari doonto lugta hore ee wareega 32-aad ee Europe League.

Garoonka Jamtkraft Arena ee naadiga reer Swedish ayaa ah mid macmal ah oo leh Cimilo aad u daran oo qaboow ah wuxuu heer kulkiisa hoos uga dhacaa -12C.

Kooxo waa wayn ayaa horey u booqday oo guul ku soo gaari waayay oo ay ka mid yihiin Galatasaray, Athletic Bilbao iyo Hertha Berlin, Tookadii Arsenal ayaana iminka la joogaa.

 The Ostersunds pitch is hidden by snow last week

Xiddiga qamarjiga ah ee reer England ee qadka dhexe u maamula Ostersunds ee Jamie Hopcutt  ayaa ka dhawaajiyay inay ka faa’iideysan doonaa cimilada daran uu leeyahay garoonkooda iyagoona maraqa uga cabi doona Gunners.

Hopcutt ayaa ka soo kabtay labo jeer oo lugta ka jabay wuxuuna caawa diyaar u yahay inuu wajoho kooxda Arsene Wenger.

 Midfielder Hopcutt joined Ostersunds when they were in the third tier

“Cimilada door wayn ayay ka ciyaari doonaan maxaa yeelay wuxuu tagi doonaa (-). Ciyaartooy badan oo iyaga ka mid ahna lama qabsan doonaan”, Hopcutt ayaa sidaa yiri.

“Waxay u barteen nolosha sare ee kubbada cagta, Qolalka dharbadelashada qurux badan malahan, garoonkuna waa mid Macmal ah, Isabadel wayn ayuu ku noqon doonaa.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*