GGGGGG
Tuesday, October 23rd, 2018
header

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Xukuumadda Puntland

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Wafdi uu hoogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.

“Hadaan nahay dawladda Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idiin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri “Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka talagelinno dhamaan Dawlad Goboleedyada; rajo wayn ayaan ka qabaa inaga oo dhamaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka”.

Dhankooda Gudoomiyayaasha labada Guddi ee Wasaardda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

dhageyso ;xiisah badanaa bar’ xulka wreysiyad ee radio vos c’wqa

October, 23, 2018
halakn ka dhageyso baraamijkiii  xiiisah badanaa ee xulka ...

Waraysi:Cadaymo ah in somaliland ku lug leedahay Dagaalada sool oo la shaaciyay

October, 23, 2018
Mohamuud Xasan Soo Cadde Oo ka mid ah ...

Dhagayso:Aqalka Sare oo sheegay in xukuumadda ay ka heleen jawaabtii ay ka sugayeen

October, 23, 2018
Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ...

Akhriso:-Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo Digniin Soo Saaray

October, 23, 2018
Puntland Focus Group ayaa warsaxafeed ka soo saartay ...

Waraysi:Muxuu Salka Ku hayaa Khilaafka Siyaasadeed Ee ka Dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood Iyo Dawladda Dhexe?

October, 23, 2018
Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Dhaxe-Aloosan Madaxda Maamul Goboleedyada ...

Sawirro:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Oo Furay Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho

October, 23, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi ...

Hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

October, 23, 2018
Sida ay sheegayaan wararka  hogaamiye ku xigeenkii dagaalamayaasha ...

Madaxweynaha Turkiga oo caalamka Warbixin ka siiyay dilkii Khashoggi

October, 23, 2018
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka ...

DHAGEYSO: RW Kheyre oo Amar siiyay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Xoogga

October, 23, 2018
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan ...

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaalka Sool

October, 23, 2018
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ...

Maqaallo