Hogaamiyaha Hir-shabeelle ayaa Kulan Muhiim ah la qaatay Safiirka Qadar ee Soomaaliya

Hogaamiyaha Dowlad Goboledka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare oo Maalmahaan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin Ka kala socday

Hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan Oo quseeya Horumarinta Deegaanada Hir-shabelle.

Ugu horeyn Hogaamiye Waare ayaa Ka mahadceliyay caawimaada Dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu dhisayo Wadadaasi oo muhiim u ah Dadka Reer Hir-shabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle iyo Xubnahani ka socday Dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar dar galinta Mashaariicda horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu bur bur xoog leh ka jiro.

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta Mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi Oo ku kaceysa 200 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana Hogaamiyaha ay u sheegeen Hir-shabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle, waxaan Uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*