Goolhayaha Man City Ederson ayaa aaminsan inuu ka ciyaari karo khadka dhexe

Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa aaminsan inuu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro qadka dhexe ee kooxdiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil oo 24 jir ah ayaa lagu amaanay awoodiisa, taasoo ka caawisay in City hogaamiso horyaalka.

Ederson oo ahaa ciyaaryahankii hore ee Benfica, ayaa sheegay inuu dareemayo inuu u ciyaari karo sidii ciyaaryahan khadka dhexe ah haddii loo baahdo.

 

 

“Markii aan u ciyaarayay kooxaha dhalinyarada Benfica, waxaa mar walba ka ciyaari jiray qadka dhexe haddii qof uu maqan yahay kamana welweli jirin” ayuu u sheegay FourFourTwo.

“Sidaasi darteed haddii ay lagama maarmaan tahay waxaan hubaa inaan ka ciyaari karo, ma ahan mid sahlan Premier League, laakiin waxaan qabaa inaan xalin karo awooda khadka dhaxe.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*