Inter oo gacanta ku dhigtay Lautaro Martinez [Sky Italia]

(Milan) 07 Feb 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in ay Inter heshiis la gaartay Lautaro Martinez, xilli Racing Club aqbashay dalab €20.2m.

Kooxda Argentina waxa ay sare u qaaday qiimaa lagu heli karo xiddigga bishii hore iyada oo dalab €20m ah ku diiday.

Hase ahaatee, 20 jirka waxaa iminka lagu iibinayaa €20m oo ay ku jirto canshuurta.

Sky Sports Italia waxa ay qortay in Inter €20.2m gaarsiisay dalabka kalana heshiisay laacibka qandaraas dhacaya 2020-ka.

Martinez wuu aqbalay heshiiska waxaana dhawaan lagu dhawaaqi doona is afgarad-ka si uu bisha Juunyo u yimaado San Siro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*